Allbanaadir.com
NEWS

Dhawaqa Qaraxyo xooggan oo Caawa laga maqlay Muqdisho iyo Booliiska oo War kasoo saaray

Waxaa caawa magaala Muqdisho qeybo kamid ah laga maqlay jugta qaraxyo dadku u maleenayeen hoobiye, waxa ayna qaraxyadaasi khal khal galiyeen shacbka caadimadda kunool.

War kasoo baxay taliska qeybta booliiska gobolka ayaa lagu sheegay dhawaqyada Muqdisho laga maqlay in ay ahaayeen dheymish, waxa ayna booliiska tilmaameen in aysan jirin khasaaro ka dhashay qaraxyadaasi.

“Waxaan ku War-galineynaa shacabka ku nool magaalada Caasimada ah in ay san wax khasaara ah geesan jugta dhawaaqyada goordhaweyd laga maqlay magaalada, Kuwaas oo ahaa Qaraxyo dheemish ah oo ay cadawga isku dayay inuu ku qal-qal galiyo amaanka Caasimada xiliga afurka” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Warka kasoo baxay ciidanka taliska booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen dhagarta Al Shabaan, waxa ayna xuseen in ay socdaan baaritaano lagu hayo goobihii la dhigay dheemishyada la qarxiyay.

Related posts

Shirka golaha Wasiiradda oo maanta arrimo muhiim ah looga hadlay (Daawo Sawirro)

admin

Goormaa Dilalka Qoorshaysan ee Birima-Geydada Heli Doonaan Caddaalad !!

Cabdi Cade

Abwaankii Al Shabaab isku dhiibay oo la sheegay in uu qabay ciil iyo carro xooggan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---