Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Gaari qaali ah siiyay Gabar Gedo uga timid in Tartan Qur’aan akhris ka qeyb gasho (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta munaasabadda xiriraanka Tartanka Qur’aanka Kariimka ah bulshada horteeda ka ballan qaaday in abaalmarin la mid ah midda la siiyay ardayga kaalinta koowaad ka galay tartanka lasiinayo Faadumo Jamaal Xaashi oo degmada Baledxaawo uga timid sidii ay uga qayb gali lahayd tartanka.

Gabadhan ayaana safar dheer usoo gashay sidii tartanka Qur’aan akhriska ee ka dhacayay magaalada Kismaayo uga qeyb geli laheyd, balse gabadhan nasiib uma yeelan in kaalmaha hore gasho tartanka.

Hooyo Asli Maxamed Cabdullaahi iyo gabadheeda Faadumo Jamaal Xaashi ayuu Madaxweyne Axmed isla galabta fuliyay ballanqaadkii ahaa in uu ku guddoonsiinayo abaalmarin qaali ah maadaama ay safar dheer uso galeen ka qayb qaadashada Tartanka Qur’aanka Kariimka ah.

Faadumo Jamaal Xaashi ma aysan haleelin in ay kasoo muuqato kaalimaha hore ee tartanka, balse Madaxweynaha oo dhiirigalinaya dedaalka iyo juhdiga ay iyada iyo waalidkeed ku bixiyeen sidii ay tartanka uga soo muuqatay ayuu ku abaal mariyay gaari nooca TOYOTA Surf ah, waana abaalmarin la mid ah midda la guddoonsiiyey ardaygii tartanka ka galay kaalinta koowaad.

Abaalmarintan qaali ah ee la siiyay gabadha kasoo safartay gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn ugu farxay hooyada iyo gabadheeda, waxa ayna madaxweynaha uga mahadceliyeen abaalmarintan uu siiyay.

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmaya iyo Madaxweyne Deni oo …

Cabdi Cade

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid xilli Salaad lagu jiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Madax Kala duwan oo ka hadlay Weerarkii Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyay

admin