Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gudoomiyay Shirka golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa sheegay in isbaarooyinka yaala deegaaanada Hirshabeelle ay u yaalaan Qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha amniga, dardargalinta wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo kooxda alshabaab oo dhawwaan bilaaban doona iyo muhiimada dardar-galinta howlaha hor-tabinta u leh dowladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isbaarooyinka yaala deegaanada Hirshabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan ciidanka xoogga dalka ee hoostaga wasaarada Gaashaandhigga, isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay, balse aan waxba laga qaban.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadkeena ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah ciiidanka xoogga dalka oo aan la wadaagnay taliskooda iyo Madaxda dalka.
Madaxweynaha Golaha Xukuumada la wadaagay diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo alshabaab oo dhawwaan ka bilaaban doono deegaannada Hirshabeelle, waxa uuna shacabka ugu baaqay inay isu diyaariyaan ka qeybgalka howlgaladaas.
Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka Wasaarada ee hagaajinta Garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taarkooyinka gaadiidka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Hirshabeelle inay ka feejignadaan fatahaado laga yaabo inuu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com