Allbanaadir.com
NEWS

Duuliye lugihiisa uu taabtay maska Kobraha oo Go’aan Geesinimo leh qaatay !

Duuliye diyaaradeed oo lagu magacaabo Rudolph Erasmus una dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa soo jiitay warbaahinta dalkaasi, kaddib markii uu duuliyaha qaatay go’aan geesinimo leh xilli diyaarada uu duulinayay xaalad adag lasoo daristay.

Rudolph Erasmus ayaa kursigii uu ku fadhiyay hoostiisa ka arkay mas nuuca loo yaqaan Kobraha goor diyaarada hawada ku jirtay, waxa uuna ninkan si nabad galyo ah ku dejiyay diyaaradii uu duulinayay isaga oon khal khal muujin.

Diyaarada uu duuliyaha ka ahaa Rudolph oo ka duushay magaalada Cape Town kuna sii jeeday magaalada Nelspruit ayuu ku qasbanaaday inuu soo gaabiyo safarka, ka dib markii uu dareemay wax qabow oo jirkiisa taabtay, kaa oo markii dambe noqday maska kobraha.

“Markii aan bidixdayda u soo jeestay oo aan hoos eegay, waxaan arkay maska Kobraha oo madaxa dib ugu celinaya kursigayga hoostiisa, waxaana markaas kaddib go’aansaday in safarka soo gaabiyo oon dejiyo diyaarada” ayaa yiri duuliyaha.

Duuliye Rudolph Erasmus ayaa sheegay markii uu arkay maska ku hoos jira kursigiisa hoostiisa uu ka labo labeeyay in uu u sheego rikaabka diyaarada saaran , waxa uuna xusay in uu go’aansaday in uusan rakaabka u sheegin arrntaasi si aysan u argagaxin.

Guddoomiyaha duulista rayidka ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku amaanay duuliyaha diyaarada go’aankii uu qaatay, waxa uuna ninkan ku tilmaamay geesi qaatay go’aan wannaagsan oo mudan boggaadin.

Qaniinyada maska Kobraha loo yaqaan ayaa la sheegay in qofka uu qaniino ku geeriyoon karo muddo 30-daqiiqo ah, waxa uuna maskan kamid yahay kuwa halista ah ee qaniinyadooda si weyn loogu geeriyoodo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taliyihii saldhig Booliska Waaberi & dad kale oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah

Caydiid Ali

Milateriga Sudan & kuwa ka horjeeda ee RSF oo heshiis cusub kala saxiixday

Caydiid Ali

Cumar Filish: “Cadaalad daro ayaan u aragnaa in Puntland la siiyo shahaadada dugsiga sare”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---