Ciidamada booliiska saldhigga degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin ka shaqeenayay farmashiye kuyaalla agagaarka isgooska KM-4 , kaa oo la sheegay in uu sabab u noqday geerida nin daaweyn ugu tagay.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen Muuse Cumar Makaraan oo ka shaqeenayay Daryeel Pharmacy KM4, ninkan ayey sheegeen booliiska in uu sabab u ahaa geerida Ciise Cali Faarax oo katirsanaa ilaalada Hotelka Xayaat.
Booliiska ayaana sheegay in marxuumka u geeriyooday cirbad uu eedeysanaha lasoo xiray ku duray habeenkii xalay oo taariikhdu aheyd 4-4 2023, booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaanka kiiskan ku aadan.
Ninka sababta u ahaa geerida ninka cirbada lagu duray ayey sheegeen booliiska in uu baxsaday iskuna dayayay in gacanta ciidamada ammaanka ka dhuunto, waxa ayna xuseen in si deg deg ah sharciga loo horgeyn doono.
Kiiskan geerida ee cirbada sababtay ayaa ah dhacdo ku cusub dhagaha shacabka degan magaalada Muqdisho, walina lama oga sababta keentay geerida iyo sidoo kale cirbada uu ninkan ka shaqeenayay farmashiga ku duray marxuumka geeriyooday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com