Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka Al Shabaab looga ciribtirayo dalka.

Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee walaalaha ah.

Danjiraha cusub ee dowladda Jabuuti usoo magacawday Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa shalay si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirnimo ugu gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Sheekh Maxamed Xasan oo la helay iyo Booliiska oo baaritaano bilaabay

Cabdi Cade

Maxay salka ku hayaan Dibed-baxyada Maalintii 4aad ka socda dalka Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada dadka qaba COVID-19 ee gudaha Soomaaliya oo 800 kor u dhaaftay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---