Allbanaadir.com
NEWS

Dibad bax ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo kala eryay dadkii dhigayay

Qaar kamid ah dadka degan xaafada Buula Weykiyo ee degmada Xamar Jajab ayaa maanta dhigay dibad bax cabasho ah ay uga soo horjeedeen in ay ka guuraan dhulka ay degan yihiin oo lagu amray in ay isaga guuraan.

Dadka dibad baxa dhigayay oo u badnaa haween iyo carruur ayaa xirtay laamiga ku dhaw Dekadda Muqdisho  , waxa ayna ku qeylinayeen ereyo ay uga soo horjeedaan in dhulkaasi ay sannado badan degnaayeen laga saaro.

Qaar kamid ah dadka dibad baxa dhigayay ayaa sheegay in loo keenay warqado laguna amray in ay isaga guuraan halkaasi, waxa ayna sheegeen in dhulkaasi sannado badan degnaayeen ayan diyaar u aheyn in ay banneeyaan.

Dhinaca Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa sheegay in booliiska si nabad galyo ah u kala eryeen dad dhigay dibad bax oo laamiga xirtay, waxa ayna booliiska sheegeen in dadkaasi diidanaayeen in ay ka baxaan dhul Dan guud ah oo dowladdu leedahay.

Dhulka lagu maray in dadkan isaga guuraan oo ku dhaw dekadda Muqdisho ayaa la sheegay in dowladda ugu tala gashay in lagu wareejiyo hay’ad Turki ah iyo sidoo kale maamulka dekadda oo u baahday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Askari katirsanaa Ciidanka NISA oo sabab layaab leh shaqada looga eryay (Akhriso)

admin

Jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Kismaayo oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaabiis Israa’iliyiin ah & ajaaniib kale oo ku dhintay duqeyntii Jabalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---