Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya oo Hanjabaad cusub soo saaray iyo Madaxweyne Ruto oo…

Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Kenya Raila Odinga ayaa mar kale ku hanjabay in ay dib u bilaabayaan dibad baxyadii ka dhanka ahaa dowladda loogana soo horjeeday sicir bararka iyo dhibaatooyinka kale ee Kenya ka jira.

Raila Odinga ayaa sheegay in mar kale isaga iyo taageerayaashiisa dib u bilaabayaan dibad baxyadii horey u wadeen haddii maamulka Madaxweyne William Ruto ku guul darreysto inuu la kulmo waxna ka qabto cabashooyinkiisa.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa Isniintii lasoo dhaafay baajiyay dibad baxyadii u qorsheesnaa ee laga cabsida qabay in rabshado hor leh dhaliyaan, waxa uuna hadda ku hanjabay in mar kale dib u bilaabayaan dibad baxyada.

Go’aanka baajinta dibad baxii Isniinta u qorsheesnaa taageerayaasha Raila Odinga ayaa yimid kaddib markii madaxweyne William Ruto oggolaaday in wadahadal la furo Raila Odinga kana wada hadlaan cabashadiisa.

Madaxweyne William Ruto ayaan wali wax wadahadal ah la furin hoggaamiyaha mucaaradka Kenya , lamana oga ilaa hadda waxa kasoo bixi kara wadahadal haddii ay u furmaan labada dhinac ee siyaasadda isku haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka Agab halis ku ah nafta bini’aadamka

Cabdi Cade

Dagaalka baraha bulshada ee u dhaxeeya Qatar iyo Xulufada Sacuudiga oo sii xoogeestay

Cabdi Cade

Burcad biskoolad caag ah dadka ku dhaceysay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---