Allbanaadir.com
NEWS

Nin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Dharkeenley ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in kufsi iyo afduub u geestay gabar aad u yar.

War kasoo baxay ciidamada booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta kusoo dhigeen eedeysane Yuusuf Daahir Xasan oo 53 jir ah oo loo heesto in uu kufsi iyo afduub u geysatay gabar yar ah oo 11 jir ah 31-Kii Maarso ee sanadkaan 2023.

Booliiska ayaana baadi-goob xooggan ugu jiray ninkan loo heesto kufsiga iyo afduubka oo baxsad ku jiray maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeyn booliiska ku guuleesteen in ay soo qabtaan ninkan kufsiga ku eedeesan.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal argagax leh oo ay geestaan rag manaxayaal ah, waxaana falkan kufsiga iyo afduubka loo geestay aad uga argagaxy ehelada gabadha yar iyo sidoo kale dadkii maqlay dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibadbax rabshado watay oo maanta mar kale ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Qorshe ay wadeen xubno ku heyb ah RW Rooble oo fashilmay iyo Siyaasi shaaciyey xog cusub..

Caydiid Ali

Jilaaga Caanka ah ee Amitabh Bachchan iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo isbitaal la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---