Taliyaha ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka u qaabilsan degmada Dayniile ayaa xalay ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo, kaddib markii gaari yar uu la socday weerar ku qaadeen ciidamo kale oo katirsan dowladda .
Sida aan wararka ku helnay taliyaha iyo ciidamo kale oo la socday oo marayay agagaarka isgooska Tarabuunka ayaa waxaa jidka u galay ciidamo milatari ah oo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaa oo rasaas xooggan ooda uga qaaday gaariga uu taliyaha saarnaa.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay hal askari oo katirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana weerarka ka bad baaday taliya NISA ee Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi,
Ciidankii milatariga ee weerarka geestay ayaa la sheegay in ay galeen xerada ay ku leeyihiin agagaarka warshada caanaha, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo laamaha amniga kasoo saareen weerarkan .
Sargaalkan katirsan ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo bogsaday dhaawac kasoo gaaray qarax miino oo loogu xiray guri uu ka deganaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com