Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Dhallinyaro dhibaato ku hayay Shacabka

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Hodan ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen waaxda Octobar ee degmada Hodan kusoo qab qabtay dhallinyaro la sheegay in ay ahaayeen ciyaal weero.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada gacanta ku dhigeen afar dhallinyaro ciyaal weero ahaa , kuwaa oo ay sheegeen in dhibaato ku hayeen bulshada degmadaasi ku dhaqan.

Dadka deegaanka ayaa booliiska u gudbiyay dacwad ka dhan ah dhallinyaradan ciyaal weerada lagu eedeeyay, waxa ayna booliiska dabagal kaddib ku guuleesteen in ay gacanta ku dhigaan ciyaal weerada cabashada laga gudbiyay.

Booliiska gobolka Banaadir ayaana wada howlgalo ka dhan ah ciyaal weerada burcadka isku bedelay iyo kooxaha hubeesan ee dadka shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad yaab leh oo laga hirgeliyey waddanka Tunisia iyo shacabka oo ka qeyliyey

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia oo amar culus ka soo saaray bixinta dhulalka danta guud (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada oo kordhisay cadaadiska ay ku heyso shacabka magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---