Allbanaadir.com
NEWS

Dad ku cibaadeysanayay masaajidka Al-Aqsa oo saakay Weerar lagu qaaday

Booliiska Israa’iil ayaa weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku cibaadaysanayay Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kahor waaberigii maanta oo Arbaca ah, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in sagaal gantaal looga soo ganay Qaza.

Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo magaalada Quddus ayaa sii kordhay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddu ay sii kororto bishan, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku beegan tahay maalmaha ciidda Yuhuudda iyo kuwa Masiixiyiinta.

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in toddobo qof oo Falastiiniyiin ah ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta nooca cinjirka ah kadib markii ay isku dhaceen booliska Israa’iil oo ku sugnaa dhismaha Masjidka Al-Aqsa. Waxa ay intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay ka hortagayeen dhakhaatiirteeda inay gaaraan masaajidka.

“Waxaan ku fadhiyey kursi aan ku akhrisanayay Qur’aanka, waxay nagu soo tuureen bam-gacmeedyo, mid ka mid ah ayay laabta igaga dhuftay,” ayay tiri iyadoo ooynaysa haweeneyd da’ ah oo la tacaaleysay neefqaadka oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidamada booliiska Israa’iil ee qabsaday xarunta masaajidka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay ku qasbanaadeen in ay gudaha u galaan masjidka kadib markii sida ay sheegeen kooxo ay ku tilmaameen inay wadday ‘daandaansi’ oo wajiyada soo duubtay iyagoo wata, ulo iyo dhagxaan.ay gudaha ay masjidka isku soo xireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay Deeq Lacageed oo dhan 50 kun oo Dollar

Cabdi Cade

Dad shacab ah oo lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad

Caydiid Ali

Korneyl Saney Cabdulle oo ka badbaaday isku day dil iyo Ciidamo badan oo laga laayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---