Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Saabir ” Farmaajo waxa uu xilkiisa ku weyn karaa Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur

Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka weerarkii lagu qaaday guriga Siyaasigan in uu ahaa mid gardaro ah oo hareer marsan dastuurka dalka u yaala, waxa uuna sheegay Weerarkaasi in uu ahaa Qodob dastuuri ah oo la jabiyay mudana in laga xisaabtamo.

Waxa uu ku eedeeyay Madaxda dowlada Soomnaaliya in xiligan ay isku dayayaan in caburin ku sameeyaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, waxa uuna sheegay in aan la caburin karin xorna u yihiin afkaartooda siyaasadeed.

”Madaxweynuhu hadii uu jabiyo dastuurka qodobadiisa qodob kamid ah waxaa waajib nagu ah in aan lala xisaabtamo oo soo jeedin u keeno Baarlamaanka xilkana laga qaado, weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur waa qodob dastuuri ah oo la jabiyay , waa sharci daro in muwaadin la weeraro iyada oon sharciga dalka u yaala loo soo marin, kan waa qodob dastuuri ah oo la jabiyay Madaxweynaha kaas ayuuba xilkiisa ku weyn karaa” Ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu jabiyay qodobo badan oo dastuuri ah, waxa uuna tusaale usoo qaatay dhiibistii Cabdi Kariin Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay dowlada Itoobiya.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka Mooshinka Madaxweynaha laga wado in shacabka khalad laga fahan siiyay, waxa uuna tilmaamay in mooshinka ay wadaan uu yahay la xisaabtan iyo mid wax lagu saxayo.

”Waxaan u sheegeynaa marin habaabinta baraha bulshada lagu marin habaabinayo shacabka ee la leeyahay nimankan waa dowlda dumis maahan mid sax ah, dowlada la dumin maayee dowlada ayaa la saxayaa dastuurkaa la dhoorayaa, Madaxweynaha hadana faraha idinkaga qaadno Shacabow sidii Qalbi dhagax ayuu hal hal idin dhoofinayaa, waxa uusan hada idin dhoofin karin anaga ayaa hor taagan ee ogaada taas ” Ayuu yiri Xildhibaan C/saabir

Hadalka Xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Madaxda dowlada dhaleeceyn xoogan kala kulmeen weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur Warsame.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 2aad :- Maxay tahay Qisada mudan in lagu cibro qaato ee qabsatay Nebi Aadam CS?

admin

Maxaa ka jira in rag Saraakiil ah ay ka dambeeyeen dilka G/Dhexe Cabdi Cali Seed?

Caydiid Ali

Maxkamad dil ku xukuntay 51 qof oo loo heysto dilka dad u dhashay Maraykanka & UK

Caydiid Ali