Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo xil sare u Magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow (Akhriso)

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hir-Shabeelle Cali Cabdulle Nuur Isagoo xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle u Magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow.

Magacaabista xilkan ayaa yimid ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle caawa.

Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa hadda haya xilka agaasimaha Shaqada & Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay.

Caddow oo ahaa afhayeenkii ciidamada Maxaakiimta Islaamka ee Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka kula dagaalamay ciidamada Itoobiya ayaa mudooyinkan waxaa uu ka mid ahaa mucaaradka dadban oo dhaleeceeya maamulka Cali Guudlaawe oo uu marar badan ku eedeeyey waxqabad la’aan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhada ONLF oo shaki ka muujisay sii deynta C/kariin Qalbi-dhagax oo u xirnaa Itoobiya

Caydiid Ali

Abaabul dagaal oo ka socda Bariga Dhaxe iyo Mareykanka oo diyaaradaha B-2 geeyay…

Cabdi Cade

Siyaasi balan qaaday in Magaca Wadankiisa uu bedeli doono hadii uu Madaxweyne noqdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---