Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax xooggan caawa ka dhacay Muqdisho iyo ninkii aasayey oo ku naf waayey

Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay xaafada SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan.

Sida wararka nagu gaarayaan qaraxan ayaa ka dhashay miino la doonayey in lagu aasayo wadada dhexmarta degmada Heliwaa ee u baxda dhinaca degmada Balcad.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay qofkii aasayey oo ahaa nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 20-25 jir.

“Waxaa goobta loogu tagay meydkiisa oo afar qoeybood u kala go’ay iyo dhiig daadsan dhul baaxad leh” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugan.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo halkaas gaaray ayaa bilaabay baaritaano iyo dabagal ku saabsan wiilka qaraxa ku dhintay iyo xogtiisa gaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabuuti oo Diyaaradii uu la socday Fahad Yaasiin celineysa kana jawaabtay Hadalkii Villa Somalia

Caydiid Ali

(Daawo) Masuul ka badbaaday isku day dil & Farmaajo oo amar siiyey Maamulka Gedo

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Raali galin …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---