Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia oo xilka iska casilay

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ayaa iska casilay xilka sida ay sheegayaan warar naga soo gaaraya guddoonka golaha shacabka.

C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa qoraalka iska casilaadiisa u gudbiyey gudoonka golaha shacabka, isagoo aan cadeynin sababta uu xilka uga degay.

Xildhibaanka is casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii sanadkii 2016 lagu soo doortay magaalada Cadaado.

Gudoonka golaha shacabka ayaa ku wargeliyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iney qabtaan doorashada kursiga uu ka baxay C/qaadir Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee ciidamada NISA Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa la sheegayaa inuu isku soo sharaxay kursiga uu baneeyey C/qaadir Gaafow Maxamuud oo walaalkiis ah.

Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo sidoo kale horey u soo noqday taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia ayaa la badinayaa inuu ku guuleysan doono kursigan, waana shaqsi aqoonyahan ah oo taageero weyn ku leh beesha uu ka soo jeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saacad uu lahaa Adolf Hitler oo lacag badan lagu xaraashay iyo Yahuud ka carrootay

Cabdi Cade

Halkee mareysaa sahminta Shidaalka xeebaha Somalia?

Caydiid Ali

Meydad laga soo saaray dhismeyaal ku dumay qarax ka dhacay Marseille (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---