Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashada kuraas Mid ka mid ah uu baneeyey taliyaha Nabad sugida oo la qabanayo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in dhowaan la qabanayo doorashada kuraas ka banaan Golaha shacabka.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in doorashada saddexda kursi ay ka kala dhacayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhaba oo ka tirsan maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Labo ka mid ah doorashada Xildhibaanada  waxay ka dhaceysaa magaalada Baydhaba waana kuraasta ay baneeyeen Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Kursiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif C/llaahi.

Doorashada kursiga 3aad oo lagu qabanayo Dhuusamareeb ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow, waxaana dadka kursigaas u tartamaya ka mid ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda C/llaahi Gaafow Maxamuud oo walaalkiis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo tagay Deegaano Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo lacag badan ku bixineysa Sumcad dilka siyaasiyiinta Mucaaradka (Warbixin)

admin

Golaha amaanka ee QM oo dib u dhigay dacwad Sudan ka gudbisay Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---