Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Soomaaliya oo qabtay nin gaari ku qarxiyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Taliska ciidanka Booliska Somalia ayaa soo bandhigay nin ka tirsan Al-shabaab oo ka dambeeyey qarax xalay ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninkan oo aan magaciisa la sheegin la qabtay xili uu qarax ku qirayey gaari uu lahaa sarkaal boolis ah.

“Xalay oo taariikhdu ahayd 03/04/23 ayaa waxaa cidanka boliisku ku qabteen nin ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab kaasoo miino ku dhajinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska

Gaarigii sarkaalka ayaa qarxay inta aysan ka howlgalin miino baarista Boliiska.

“Eedaysanaha ayaa waxaa ku socota baaris, waxaana la waafajin doonaa cadaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Soomaali mindi ku hubeysan oo labo qof ku dilay Magaalada Ludwigshafen

Caydiid Ali

Farmaajo & Fahad oo u yeeray Laftagareen & qorshe xasaasi ah oo lagala hadlayo

Caydiid Ali

Mareykanka oo hor joogsaday in Falastin xubin rasmi ah ka noqoto Qaramada Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---