Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kaa oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

Shirkan uu guddoominayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ujeedkiisa tahay in qorshe mideysan lagu bilaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeyb gali doonaan ciidamada dalalka dariska.

Sida uu sheegay wasiirka shirkaan ayaa socon doona muddo  sadex maalin ah , waxaana ka qeyb galaya wasiirrada arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska Soomaaliya.

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirrada amniga dowladda goboleedyada dalka ka jira oo lagu casuumay,Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare iyo xubno kale.

Shirkan ayaa qabsoomiya xilli dowladda Soomaaliya qorsheeneyso in la bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana la hadal hayaa wajiga labaad ee howlgalka in ay ka qeyb galayaan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boolis gacanta ku dhigay nin doonayey inuu iibiyo Ilmo yar oo uu dhalay (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayre Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---