Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xaaladiisa Caafimaad shaki la galinayay oo soo muuqday si adagna u hadlay

Madaxweynaha dalka Tunisia, Kais Saied ayaa maalmo badan muuqiisa iyo maqalkiisa la waayay, waxaana soo baxay shakiyo ku aadan in madaxweynaha lasoo daristay xaalad caafimaad darro.

Xubno katirsan mucaaradka madaxweynaha ayaa si weyn u faafiyay warka la xariiray in xaalada madaxweynaha aysan caadi aheyn, waxaana si weyn shaki loo galiyay bad-qabka madaxweynaha oo warkiisa la waayay.

Muuqaal madaxweyne Kais Saied laga soo duubay ayuu ku beeniyay wararka laga faafiyay xaaladiisa caafimaad,waxa uuna sheegay in aysan waxba ka jirin wararka la isla dhax marayo ee ku aadan in uu xanuunsan yahay.

Waxa uu sheegay madaxweynaha Tunisia iyo mucaaradkiisa isku dayayaan in dhibaato iyo khal khal abuuraan, isaoo madaxweynaha qunfacaya ayuuna sheegay in aysan sax aheyn in la abuuro xiisad haddii hargab la qabo.

Madaxweynaha awoodda badan ee dalka Tunisia ayaa maalmihii lasoo dhaafay kasoo muuqaan fagaarayaasha la iska arko, waxa ayna taasi keentay in shaki badan la galiyo xaaladiisa caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo arrin cusub ku kordhisay dekeda Magaalada Kismaayo? (Sawirro)

Caydiid Ali

Askari fal argagax lahaa ka geestay Muqdisho oo la xiray lagana ruqseeyay shaqada

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyay ineysan Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne

admin
Taboola Ads ---