Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish oo la dilay iyo Mareykanka oo ka hadlay

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar qorsheesan shalay oo Isniin ah ku dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish , waxaana howlgalka hoggaamiyahan lagu dilay ka dhacay magaalo ku taalla dalka Syria.

War maanta oo Talaado ah kasoo baxay taliska dhaxe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidankooda dileen Khalid Aydd Ahmad al-Jabouri oo katirsanaa hoggaanka sar sare ee kooxda Daacish.

Mareykanka ayaa sheegay hoggaamiyahan katirsanaa Daacish in uu abaabulay masuulna ka ahaa weeraro ka dhacay waddamo kuyaalla Yurub, waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkan ka shaqeenayay in uu horumariyo qaab-dhismeedka hoggaanka Daacish.

”Dhimashada Khalid Aydd Ahmad al-Jabouri ,waxa ay si ku meel gaar ah u carqaladayn doontaa awoodda ururka Daacish  ee qorsheynta weerarrada dibadda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Mareykanka .

Mareykanka ayaa sannadihii ugu damkbeeyay dilal hoggaamiyaal sar sare oo katirsanaa kooxda Daacish, waxa ayna hadda u muuqataa in awoodda kooxdan mar dunnida qal qal badan galisay la wiiqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

C/wali Gaas oo qaabilay wafdi uu horkacayo Peter De Clercq oo Garowe gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo aqoonsigii u horeeyey siisay ajaaniib Qaxooti ah

Caydiid Ali

Gen. Giuseppe Cavo oo balanqaad culus u sameeyey ciidanka Xooga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---