Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Bari ee Degmada Garoowe ayaa hawl-gal ay ka sameeyeen Xaafadda Waaberi ku soo qabtay 11 kilo Xashiish ah iyo 3 qof ka ganacsanayay maandooriyaha.
“Booliska ayaa xoojiyay hawl-galada looga hor-tagayo falalka amni xumo ee caasimadda oo inta badan ay sababaan dadka isticmaala maandooriyaha ama ka ganacsadda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Booliska.
Booliska ayaa uga mahadceliyay shacabka sida wanaagsan ay ula wadaageen shaqeeyn.
“Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka la wadaag Booliska” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com