Allbanaadir.com
NEWS

Somalia iyo Cuba oo soo ceshaday xiriirkii diblomaasi ka dib dagaalkii 1977 (Sawirro)

Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku heshiyey iney dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo go’ay noton sano ka hor

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Maxamed Jaamac Haruuse oo maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda  Cuba  Juan Manuel Rodríguez.

“Waxaan isla qaadanay danjiraha cusub oo farriin ka wadey madaxda sare ee dalka Cuba in labada  dal dib u bilaabaan xiriir Diblumaasiyadeed oo ku dhisan iskaashi, wax wada qabsi iyo is xurmayn” ayuu yiri mudane Haruuse.

Xiriirka diblumaasiyaddeed ee Soomaaliya iyo Cuba ayaa bilowday 1972 (konton sano ka hor) wuxuuna hakad ku jirey illaa sannadkii 1977 markii dowladii kacaanka ee Somalia ka jirtay xiligaas xiriirka u jartay dalal ay ku jirtay Cuba ka dib markii taageero milateri siiyeen Itoobiya oo xiligaas dagaal adag kula jirtay ciidamada xoogga dalka oo duulaan balaaran ku qaaday dalkaas, iyagoo doonayey iney dhulka Soomaali galbeed ka xoreeyaan Itoobiya.

Taageerada Cuba, Ruushka iyo dalal kale ayaa sababay in la jebiyo ciidankii Xoogga dalka ee duulaanka ku qaaday Itoobiya oo horumar wanaagsan ka sameeyey dagaalkaas oo Soomaaliya ay ku lumisay dhaqaale iyo awood badan

Related posts

Madaxweyne Putin oo ku hanjabay in hubka Nukliyeerka isticmaali doonaan haddii ….

Cabdi Cade

Kulan amniga looga hadlay oo Muqdisho ka dhacay & qodobo ka soo baxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo Xisbiyadda Mucaaradka u Ogolaaday Banaan bax Shuruudo adag ku xiran yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---