Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Boqor Dhintay oo lala aasay Sanamyo loo ekeesiiyay askar Waardiye ah

Dalka Shiinaha ayaa laga helay qabri ama god aad u weyn oo lagu keediyay ilaa 8-kun oo sanam oo loo ekeesiiyay askari waardiye u ahaa Boqor dalka Shiinaha ka talin jiray 2000 kun oo sano kahor.

Sanabkan askarta loo ekeesiiyay ayaa lala aasay Boqor dalka Shiinaha ka talin jiray oo lagu magacaabi jiray Qin Shi Huang, waxaana sanamyadan askarta loo ekeesiyay loogu tala galay in ilaalo u noqdaan boqorka dhintay.

Boqor Qin Shi Huang ayaa aaminsanaa in geerida kadib ay nolol imaan doonto, waxa uuna codsaday in lala aaso askar difaacda , waxaana Boqorka lala aasay sanamyo qaab askar ah loo ekeesiiyay.

Dadkii hore ee Shiinaha ayaa aaminsanaan jireen in marka qofka madaxda ah , dhinto lala duugo qofkii qaadimka u ahaa ama adeegaha u ahaa, balse markii arrintaas cabasho badan laga keenay ayaa waxaa dhashay fikradda ah in la sameeyo sanamyo loo ekeysiiyay askar.

Cilmibaaraaal ayaa sidoo kale helay qoraalo badan uu Boqorka u diray Gudoomiyaal gobol oo xiligasai jiray, waxa uuna kaga codsanayay qoraalkaasi in ay soo helaan dawo geerida looga badbaado.

Qabriyadan waxaa helay nin beeraleey ahaa oo doonayay in uu ceel qoto, waxaana markii dambe loo yeeray khubaro kuwaa oo soo saaray kadibna baaritaano ku sameeyay qabuurahan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labis uu caan ku yahay William Ruto oo laga mamnuucay Baarlamaanka Kenya

Cabdi Cade

Xisbi Siyaasadeed Weyn uu Hogaamiyo Cabdikariin Guuleed oo lagu dhawaaqay

Cabdi Cade

Deni oo kulamo xasaasi ah kula qaatay Nairobi danjireyaal reer Galbeed ah (Sawirro)

Caydiid Ali