Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii galabta ka dhacay Km4

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin looga bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaasoo sababay dhaawacyada seddax qof.

“KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaasoo ka mid ahaa  kolonyo ay la socdeen Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi.”ayaa lagu yiri qoraalka Booliska

“Qarax ka dhashay ayaa sababay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa sida lagu sheegay warka booliska.

“Waxaa dadkii gurmad u fididiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadda waxaa socota baaris la xariira sababta, wixii ku soo kordhana dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi la socda oo Hobyo u tagay arrin muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo ka hadlay sababta uu duqeymaha ula beegsaday dekeda Magaalada Odesa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa Fariin deg deg ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---