Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo shir deg deg ah iskugu yeeray laamaha amniga & Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka al-shabaab, shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka eeĀ  saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo al-shabaab iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaaĀ  lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taasoo hoos tageysa Xafiiska Raā€™iisul Wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Al-shabaab ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysayĀ  amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaalad adag oo ka taagan Muqdisho iyo dowladda oo indhaha ka eeganeysa

Cabdi Cade

Maxaa ka dhalan kara haddii aan la qaban madaxda dembiyada ka gala dalka iyo dadka?

Caydiid Ali

Soomaaliya Xiligan Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---