Allbanaadir.com
NEWS

Musiibo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dal kuyaalla Qaarada Afrika

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay musiibo dhul go’ ah oo ka dhacay deegaan kuyaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo, waxaana socda wali gurmad loo fidinayo dadka dhibaatada ku dhacday.

Dhul go’an ka dhacay Congo ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad ka badan 19-qof ,halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen tiro kale, waxaana jira dad kale oon wali aan lagu heyn geeri iyo nolol .

Mas’uul ka tirsan maamulka tuulada Bulwa ee Waqooyiga gobolka Kivu ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto, waxa uuna socday in dhulka go’ay laga raadinayo dad halkaasi lagu la’yahay.

Waxa uu sheegay masuulkan warbaahinta la hadlay in dumar badan iyo carruur  xilliga dhulka go’ayay goobtaasi dhar ku dhaqayay ay aasmeen, kaddib markii uu la go’ay dhulkii ay korkiisa joogeen.

Kooxaha gurmadka ayaa wali wada raadinta dad laga yaabo in ay nool yihiin oo dhulka ku duugmay, waxaana kooxhana soo saareen qaar kamid ah meydadka dadkii ku dhintay musiibadan.

Deegaanka musiibada dhul go’a uu ka dhacay ayaa la sheegay in ciideeda uu jilciyay roobab mahiigaan ah oo dhowr bilood ka socday, waxaana aagasai horey uga dhacay fatahaadyo ay sameeyeen roobka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax xooggan oo ka dhacay Xeebta Liido iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Tiktok oo joojisay lacagihii ay siin jirtay Salwan Momika iyo ninkan oo baroor bilaabay

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo maanta oo ciidul fitri ah ka inkaarsaday Shacabka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---