Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid ammaro kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku socday shirkadaha isgaarsiinta dalka ka jira, waxa ayna Puntland shaacisay in aysan dhankooda waxba ka quseyn ammaradaasi.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu sheegay in aysan khuseyn xeerarka la xariira isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartey.
Wasaaradda Israagsiinta Puntland ayaa qoraalkeeda ku war-galisay shirkadaha ka howgallada deegaannadeeda in aysan wax isbadal ah iyo saameyn ah ku yeelan doonin nidaamkii shaqo ee ka dhaxeeyay Puntland iyo shirkadaha isgaarsiinta ka hawlgala deegaannadaas .
Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Puntland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com