Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday Nin mooto Bajaaj ku waday Qorayga RBG iyo hub kale

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin lagu helay in uu katirsanaa Al Shabaab, una qaabilsanaa kala gudbinta hubka iyo ridistooda.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Farxan Bashiir Khamiis ayaa la sheegay in mooto bajaaj ku waday qorayga loo yaqaan RBJ ama sabanka iyo sidoo kale qoray kale oo AK-47 markii ciidamada amniga qabanayeen.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ninkan markii la qabanayay labo qori Ak47 ah iyo qorayga RBG kasoo qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay meel u dhaw saldhigga Kaaraan, isagoona ku wareejiyay hubka labo nin oo u timid.

Raga uu hubka ku wareejiyay Maxamed Farxaan ayaa intii ay isku diyaarinayeen in hubkaasi weerar ku geestaan waxaa ka fakaday hal baalooto oo ah RBG , waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah ragii weerarka qorsheeyay, halka midka kalana uu baxsaday.

Ninkan maanta maxkamadda ciidamada xukunka ku riday ayaa Al Shabaab ku biiray bishii lixaad ee sannadkii 2022, waxaana ninkan kooxda usoo tababartay adeegsiga Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxamed Farxaan maxkamadda ku xukuntay 15-sanno xabsi ciidan ah uuna heesto fursad uu racfaan ku qaadan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rashiid Yuusuf oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee jaaliyada Soomaalida Zwolle

Caydiid Ali

Nin fududeeyay Qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho oo saakay la toogtay

Cabdi Cade

Shabaabkii ka firxaday Buulo Xaaji oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---