Allbanaadir.com
NEWS

Yuusuf Madaale oo Ballanqaad Farxadeed u sameeyay Dhibane Ramla Cabdullaahi (Sawirro)

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali oo ah muwaadinad Soomaaliyeed oo 18-jir ah, islamarkaana la dhibaatooneysa xanuun ka haleeyay lugta Bidix, kaas oo wadanka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markii uu arkay xanuunka daran ee ay la nooshahay dhibane Ramla la murugooday, isagoo ballanqaaday wax ka qabashada xaaladeeda Caafimaad una qaadi doono dalka dibadiisa.

Hooyo Faaduma Cumar Muudeey oo ah hooyada dhashay dhibane Ramla Cabdullaahi ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir siduu u garab istaagay xaalada Caafimaad ee gabadheyda Ramla.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa marar badan gacan ka geestay wax u qabashada muwaadiniin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa, kuwaa oo qaarkood wax looga qaban waayay xaaladooda dalka loona qaaday isbitaalo kuyaalla dalka dibadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Xasaasi ah oo ka dhan ahaa kooxda Daacish oo Boosaaso ka dhacay

Cabdi Cade

RW Ku-xigeenka dalka oo furay shir looga hadlayo arrin xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisaada ka soo cusboonaatay Galmudug iyo Ahlu sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---