Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo kormeer ku tagay qeyb kamid ah Isbitaalka Xoogga oo dib u dhis lagu sameeyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabaas Amiin Cali iyo guddiga Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa kormeer ku sameeyay qeybta saalada Isbitaalka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay taasi oo ay maalgeliyeen guddiga Bankiyada Soomaaliyeed.

Dib-u-dhiskaan ayaa yimid kaddib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu ka codsaday guddiga Bangiyada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dib-u-dhiska Isbitaalka Xoogga.

Yuusuf Madaale ayaa u mahadceliyay guddiga bangiyada jawaabta ee ka bixiyeen codsigaasi oo suuragal ka dhigay in maanta Taliska ciidanka xoogga dalka lagu wareejiyo qeybta saalada ee Isbitaalka Xoogga dalka oo dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay.

Isbitaalka Xoogga oo ay leeyihiin ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa lagu daweeyaa askarta katirsan ciidanka ee kusoo dhaawacma dagaalada iyo qaraxyada , waxaa sidoo kale lagu daweeyaa askarta iyana xanuunsan.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo codsi u diray culimada ku sugan Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo ku soo wajahan Muqdisho iyo garoonka Aadan cadde oo loo xirayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Go’aan adag ka qaatay Ciidankiisa jooga magaalada Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---