Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday qasriga madaxtooyada ayaa soo dhaweeyay ergayga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh usoo magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Muuse Biixi ayaa tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya qaaday tallaabo muhiim ah, waxa uuna tilmaamay in ergayga loo soo magacaabay wadahadalada ee Cabdikariin Xuseen Guuleed uu yahay waaya-arag aqoon u leh howsha loo igmaday.
“Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in dib loo bilaabo wadahadaladii hakadka galay ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .
Ergayga loo magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa horey uga qeyb galay wadahadalo badan oo ay yeesheen labada dhinac ,xilligii uu katirsanaa dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com