Allbanaadir.com
NEWS

Ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabelle oo dib u dhacday iyo Shaki cusub oo soo baxay

Waxaa maanta baaqday kulan lagu waday in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, waxaana kulankan lagu waday in lagu horgeeyo golaha Wasiirada Hirshabelle.

Kulanka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa saakay baaqday kadib markii Xildhibaanada ay soo xaadiri waayeen, waxaana jira cabasho kasoo yeertay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo mudo bilooyin ah aan qaadan wax mushaar ah.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa ka biyo diiday in ay kulanka soo xaadiraan, waxa ayna ku doodayaan Xildhibaanada in marka hore la siiyo xaquuqdooda oo ka maqan mudo 7-bilood ah .

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanada ayaa xujo uga dhigay Madaxweynaha in marka hore la siio mushaarkooda si ay u ansixiyaan golaha Wasiirada, waxa ayna Xildhibaanada qaar diidan yihiin in labo bilood kaliya hada la siiyo.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka codsaday Xildhibaanada in ay ansixiyaan golaha Wasiirada, waxa uuna u balan qaaday Madaxweynaha in Xildhibaanada uu siin doono mushaarkood mudo labo bil ah.

Waxaa sidoo kale soo baxaya shaki ku aadan in Xildhibaanada qaar wali aysan ku qanacsaneyn in golaha Wasiirada la ansixiyo, waxa ayna ka shaqeenayaan sidii Wasiirada codka kalsoonida u weyn lahaayeen.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu ku qanciyo Xildhibaanada ka biyo diidsan meel marinta golaha Wasiirada cusub ee maamulka Hitshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Cabdi Cade

Faahfaahin: Meydka gabar yar oo laga helay duleedka Magaalada Cadaado

Caydiid Ali

Puntland oo ka hadashay sababta uu u daba dheeraaday kiiska dilkii Caai’sho Ilyaas

Caydiid Ali