Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne William Ruto oo khudbad xasaasi ah u jeediyey shacabka Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si toos ah shacabka ugala hadlay TV-ga, markii ugu horeysay tan iyo markii ay dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo qiimaha qaaliga ah ee maciishada iyo ‘wax isdabamarinta doorashada’ oo uu soo abaabulay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Waxa uu Odinga ugu baaqay in uu joojiyo mudaaharaadyada la qorsheeyay maalinta berri ah.

Ruto ayaa sheegay ‘in mudaaharaadku muuqaalka Kenya uu saameyn xun ku yeelanayo’ isla markaana dhaqaalihii dalkana uu aad u saameeyay xilli maamulkiisu uu ku dadaalayo sidii uu dhaqaalaha uga soo bixin lahaa waxa uu ugu yeeray ‘godka dheer ee ay ugu yimaadeen.’

Waxa uu sheegay in doorashooyinkii Agoostadii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

“Waxaan rajaynaya in cabashada mucaaradka ee khaladaadka doorashada lagu xalin karo baarlamaanka iyo koox laba dhinac ah si ay si wadajir ah wax uga qabtaan waxa mucaaridku rabo” ayuu yiri Ruto.

Weerarada ka dhanka ah warbaahinta, ayuu Ruto sheegay in dalkiisu uu aaminsan yahay warbaahinta xorta ah.

“Wax kasta oo ka qeyb qaadanaya khatar-gelinta warbaahinta waa mid aan la aqbali karin” ayuu raaciyay madaxweynaha Kenya William Ruto.

Hadalka Ruto ayaa ku soo aaday xili Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Nairobi uu sheegay inuu hakiyay dibad baxyo ballaaran oo la filayay inay beri ka dhacaan dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo abaabul dagaal ka wada gobolka Bakool (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaannada Golaha Shacab oo soo gunaannaday kulan arrin taagan ah looga hadlayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Masuul aan Damqasho iyo Damiir laheyn !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---