Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raila Odinga oo go’aan culus ka qaatay dibad baxyo la filayay inay beri ka dhacaan Nairobi

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay inuu hakiyay dabad baxyo ballaaran oo la filayay inay beri ka dhacaan dalkaas.

Hadalkan Raila ayaa imaanaya iyada oo ay goor sii horreysay uu madaxweyne Ruto ugu baaqay inuu joojiyo dibad baxyaddii beri loo balansanaa, waxa uuna ogolaaday inuu soo dhawaynayo mid ka mid ah dalabaadyadii mucaaradka.

Dibad-baxyada ay iclaamiyeen mucaaradka Kenya ayaa socday muddo laba todobaad ah waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex halka ku dhawaad afar boqol oo qofna ay ku dhaawacmeen.

Odinga iyo xisbigiisa, Azimio la Umoja–One Isbahaysiga Kenya, ayaa hogaaminayay mudaaharaadyada looga soo horjeedo sare u kaca maciishada waxayna ku baaqayaan in madaxweyne William Ruto uu is casilo isagoo sheegay in aan si sax ah loogu soo dooran doorashadii sanadkii hore.

In ka badan toban kooxood oo bulshada rayidka ah ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku muujiyay walaaca ay ka qabaan bilaysku inay ku dhawaaqaan mudaaharaadyada mid sharci darro ah waxayna ku booriyeen mas’uuliyiinta inay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ah ee dadku u leeyihiin mudaaharaad nabadeed.

Odinga ayaa todobaadkii hore sheegay in mudaaharaadyada la qaban doono todobaadkii laba jeer, maalmaha Isniinta iyo Khamiista.

Qorshaha Odinga ee mudaaharaadyadii todobaadkii hore waxa uu ahaa in uu socod ku tago xafisyada madaxweynaha ee Aqalka Madaxtooyada balse boolisku waxay sameeyeen caqabado si ay uga hortagaan in ay dadweynaha galaan, darawalladana waxa loo jiheeyay wadooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiisaska cudurka COVID-19 oo mar kale sare u kacaya qeybo ka mid ah Somalia

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay sare u kaca ku yimid Qiimaha shidaalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Itoobiya oo magacowday Safiiradii ugu badnaa oo uu ku jiro danjiraha Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---