Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Milateriga Somaliland oo war cusub ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Taliska Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee u dhaxeeyay Ciidankooda & kuwa SSC iyo xaaladda goobihii lagu dagaalamay sida ay tahay.

Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Jen. Feysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay in shalay ciidankooda ay weerar ku soo qaadeen kuwa uu ku sheegay huwanta.

“Tallaabo adag ayaan ka qaadnay, ciidankeena waxay heegan ugu jiraan inay is difaacaan” ayuu sheegay taliyaha.

Waxaa uu intaasi ku daray in huwanta soo weerartay ay isugu jiraan Ciidamada Puntland, kuwo hab beeleed u abaabulan iyo Kooxo argagaxiso ah, balse ay ka guuleysteen, isla markaana rag badan ay ka dileen gaadiidna ay ka qabsadeen.

Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Jen. Feysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay in hadda Ciidamadooda ku sugan yihiin Taliska Gooja-cadde ayna iska difaaci doonaan cid kasta oo soo weerarta.

Ku dhowaad laba Bilood waxaa duleedka Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ku dagaalamaya ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxdii hore ee dalka & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la dardaamay Guddiga doorashada heer federaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Wariye laga soo musaafuriyay Puntland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---