Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo labo qodob kala hadlay Safiirka Imaaraadka ee Somalia (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Danjire Alromaith ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda al-shabaab iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya.

Dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh, inkastoo uu xiriirkooda xumaa dowladii ka horeysay ee uu horkacayey Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Federaalka oo Qoraal Xasaasi ah kasoo saartay Doorashada Jubbaland (Akhriso)

admin

(Sawirro) Golaha guud ee Q/Midooday oo cambaareeyey Ruushka iyo Somalia oo..

Caydiid Ali

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo kulan qarsoodi ah la qaatay hogaamiyaha Taliban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---