Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday xanuuno hayay, waxaana geerida Kofi Anan si weyn uga tacsiyadeeyay madax kala duwan oo caalamka katirsan.
Kofi Anan ayaa geeriyooday isaga oo jira 80-sano, waxa uuna noqday ninkii ugu horeeyay oo Afrikan ah ee noqda Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay sidoo kale gaara jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida .
Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Anan ayaa horey ugu guuleestay Abaal marinta Nabada ee Nobel ee dhanka bani’aadminimada, waxa uuna ahaa nin saameyn badan dunida ku lahaa.
Kofi Anan ayaa ahaa Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay intii u dhaxeyasy 1997 – 200dii, waxa uu sidoo kale dhawaan noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com