Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Degaan ku yaalla Mudug oo la gubay iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyey (Sawirro)

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney saaka waaberigii soo weerareen Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay dab qabadsiiyeen guryo iyo dhismayaal ay leeyihiin dad shacab ah oo halkaas ku yaallay

Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha Booliska degaanka Bajelo ayaa saaka gaaray halkaas si ay u soo qiimeeyaan dhibaatada halkaas ka dhacday

Guddoomiye degaanka Baxdo iyo saraakiisha Booliska ayaa ku eedeeyey falkan iney ka dambeyso kooxda Al-shabaab.

“Waxaa halkan yimid maleeshiyo qabaail ay soo adeegsadeen kooxda khawaarijta Al-shabaab, waxayna gubeen guryo ay lahaayeen dadka degaanka iyo hanti kale” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.

Waxaa uu sheegay in ujeedada ay Al-Shabaab ka leedahay falkan ay tahay iney iska horkeenaan qabaa’ilka degaanka ee ku mideysan dagaalka ka dhan ah, isla markaana u carqaladeeyaan wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay safiiro dalal reer galbeed ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---