Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Burcad dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Booliska magaalada Muqdsho ayaa soo qabtay rag burcad ah oo dhac bareer ah ka geysanayey xaafadaha magaalada qaarkood.

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey degmada dhexdeeda  01-04-2023  abaaro 9:00pm sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Booliska gobolka Banaadir.

“Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad, wuxuuna sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka C.X.D ee lagu soo tababaray dalka Eretaria, halka kan kalana uu wade ka ahaa mooto Bajaaj ay adeegsanayeen” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Raggan ayaa la sheegay iney shacabka dhex socda xaafadaha ka dhacayeen telefanada gacanta iyo waxyaabo la mid ah sida dadka degaanka laga soo xigtay.

Booliska ayaa sheegay in raggan ay ku socoto baaris. dhowaana ay horgeyn doonaan heyadaha cadaalada dalka si ay wajahaan ciqaabta ka dhalatay dembiga ay galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jawaari oo ka fekeraya in uu is casilo iyo Tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda oo korortay (Akhriso Tirada)

Cabdi Cade

Muxuu ka dhiganyahay Kulanka Musharax Khayre iyo Sergey Lavrov?

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay Magacyada deegaanada Al Shabaab laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---