Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo saakay dilay Xubno badan oo katirsanaa Shabaab soo weeraray

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar xooggan ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday salaadii subax kaddib saldhig ciidanka ku lahaayeen deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Baydhabo.

Dagaal culus oo khasaaro badan kasoo kala gaaray labada dhinac ayaa dhax maray ciidanka dowladda iyo kuwa Al Shabaab, waxaana markii dambe dagaalka la sheegay in lagu jabiyay kooxdii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaana sheegay in dagaalka saakay Al Shabaab uga dileen 14-xubnood oo kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday, waxaana sawirrada meydadka raga la dilay lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Al Shabaab ayaa inta badan weerarada gaadmada ah oo ay geestaan xilliyada aroortii guulo ka gaari jirtay, waxaana weerarkan saakay dhacay u muuqdaa mid khasaaro badan uu kasoo gaaray kooxdii weerarka fulisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag dilal arxan-daran geestay oo saakay xukun dil ah lagula fuliyay goob fagaare ah

Cabdi Cade

RW Khayre oo kun dhallinyaro Soomaaliyed u ballan-qaaday Shaqooyin (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

C/risaaq Caato oo Mar kale loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW

Caydiid Ali
Taboola Ads ---