Jaamacadda Jazeera ayaa keentay waxbarashada heerka 2-aad ee Jaamacadda, waxayna qaybo ka mid ah waxbarashadaas kala kaashanaysaa qaar ka mid ah jaamacado ku yaal dalalka yurub.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu daah furay waxbarashada heerka 2-aad ee Jaamacadda, waxaana ka mid ahaa dadkii lagu casuumay dhakhaatiirta ugu magaca dheer dhinaca indhaha, culimada Soomaaliyeed, aqoonyahanno, ururada bulshada rayidka & agaasimayaasha caafimaadka iyo waxbarashada dowladda Soomaaliya.
Waxbarashada master-ka ay jaamacaddu keentay waxaa ka mid ah master caafimaad oo indhaha oo saddex sano ah iyo master kale oo ka kooban qeybo kala duwan taas oo si online ah ama distance learning looga baranaayo jaamacad ku taalla dalka Taliyaaniga oo layiraahdo UNINETTUNO taas oo dad badan oo ku kala sugan dunida daafahooda ay ka aflaxeen, waxaana Jaamacadda Jazeera Program yadaas la bixinaaya Jaamacadda Global Science ee ku taalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof Salaad Ibraahiim Fiidow ayaa sheegay in Jaamacaddu ay u furtay fursadahaan qaaligaa dadka Soomaaliyeed ee danaynaaya iney ku takhasusaan qaybta indhaha, kana gaaraan heer aad u sareeya, wuxuu kale uu sheegay in qaybaha kale ee waxbarashada sare iyada aad ay ugu baahanyihiin dadkeennu, waxaana markasta Jazeera lagu yaqaanaa iney daboosho baahiyaha dadkeedu u qabaan waxbarashada, iyadoo waliba xoogga saaraysa tayada tacliinta Soomaaliya.
Dr Cali Baashi Iyo Dr C/samad oo lahaa aragtida waxbarashada sare ee takhaasuska indhaha ayaa labaduba waxa ay si wada jira u sheegeen arag la’aantu ay aad ugu soo badanayso wadanka, baahi weyna loo qabo dhakhaatiir takhasuus aad u sareeya u leh qaybaha indhaha iyo guud ahaan qaybaha kal duwan ee caafimaad.
Sheekh C/xayyi Aadam Xasan ayaa bogaadiyay dadaalada Jaamacadda Jazeera ay ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed looga haqabtiri lahaa baahiyaha xagga tacliinta, wuxuuna sidoo kale ku booriyay sheekhu xarumaha kale ee waxbarasho iney dalaalka Jaamacadada Jazeera oo kale la yimaadaan.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa ku amaanay Jaamacadda Jazeera talaabadaan waxtarka leh ee ay horay u qaaday, isagoona kula daradaarmay iney sii xoojiso joogtaysana tayada waxbarasho ee lagu yaqaanay Jaamacadda, wuxuu kaluu ugu baaqay xarumaha kale ee waxbarasho iney ka taxadaraan tayada waxbarashada dalka.
Cabdishakuur Xasan Fiqi Agaasimaha Tacliinta Sare Dalka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Jaamacadda Jazeera ilaalinta tayada iyo anshaxa wanaagsan, wuxuuna ugu baaqay bulshada iney ka faa’iidaystaan fursadaan tacliinta sare ee Jaamacaddu keentay
Ugu dambeyn Ururada Bulshada Rayidka ah iyo qaar ka mid ah madaxda jaamacadaha oo munaasabadda lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay Jaamacadda Jazeera program-kaan cusub ee waxbarasho, iyagoona si lamid ah madaxda kale ee munaasabadda ka hadashay ku booriyay iney Jaamacaddu joogteyso dadaaaldeedii tayada waxbarashada ee ay caanka ku ahayd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com