Allbanaadir.com
NEWS

Ninkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamad kutaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lasoo taagay nin dhallinyaro ah oo ku eedeesan in uu ka dambeeyay geerida xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo arbacadii ku geeriyooday Nairobi.

Ninkan maxkamadda lasoo taagay oo lagu magacaabo Philip Mweteli ayaa lagu eedeeyay in mooto uu si xowli ah u waday ku dhuftay xlidhibaanka , xilli uu socday waddo dhax marta xaafada South B ee magaalada Nairobi.

Philip Mweteli oo lasoo taagay maxkamada sare ee Milimani Esther Kimilu ayaa beeniyay in 25-kii bishan Maarso mooto uu kaxeenayay ku dhacday xildhibaanka una geestay dhaawaca uu u geeriyooday.

Ninkan ayaa sidoo kale maxkamadda horteeda ka beeniyay in uu ku guul dareystay in uu shilkaasi soo sheego iyo in uu mootada kaxeynayay ruqsad la’aan, waxaana ninkan markii dambe maxkamadda kusii deysay damaanad dhan 300,000 oo shilnka dalka Kenya ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo gaaray Dhuusamareeb iyo madaxda D/Goboleedyada oo soo dhoweeyey

Caydiid Ali

Qiimaha shidaalka ee Kenya oo cirka isku shareerey kadib khudbaddii Ruto

Cabdi Cade

Madaxweyne Geelle & Dhigiisa Masar oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---