Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal weli socda & ciidanka Somaliland oo Madaafiic culus ku garaacay Laascaanood

Dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo saaka ka bilowday hareeraha magaalada Laascaanood ayaa weli ka socda halkaas

Goob joogeyaal ayaa sheegay in dagaalka oo saacado socday ay barbar socdeen duqaymo madaafiic ah oo ku soo dhacayay gudaha magaalada.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo tebiyay inuu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la helin tiro rasmi ah.

Madaafiicdii ku soo dhacayay gudaha magaalada ayaa la sheegayaa iney waxyeelleeyeen gaadiid yaallay xarunta dowladda hoose ee magaalada Laascaanood, ayna sidoo kale dumeen qaybo ka mid ah xafiisyada dowladda hoose.

Khasaraaha guud ee ka dhashay dagaalkaas ayaan weli la ogayn iyada oo la sheegay in weli madaafiicda iyo rasaasta laga maqlayo Laascaanood.

Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay xilli waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan xiisadda, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadkii halkaas ku barakacay.

Hase ahaatee Somaliland ayaa weli diidan in ciidankeeda ka fogeyso magaalada si dagaalku u joogsado loona wadahadlo, waxaana jira culeyso caalami ah oo Maamulka Muuse Biixi lagu saarayo inuu talaabadaas qaado inkastoo uu ka madax adeygayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Caano Boore oo xilka u kala wareejiyay Taliyaal la isku bedelay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay Hadalkii Lafta Gareen iyo Fal Celiskii ka dhashay

Cabdi Cade

Maamulka Puntland oo xabsiga u taxaabay Masuuliyiin caan ah oo lagu eedeeyey musuq & Xatooyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---