Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

Dagaal ayaa a soo sheegayaa inuu ka socdo saaka duleedka magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC sida ay ku waramayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu xoogiisa ka socdo aagga Galbeedka Laascaanood. halka loo yaqaano Buurta Hodan oo ay difaac kaga jireen ciidamada SSC.

Sidoo kale dagaalka ayaa ka socda Aaga bariga  Togga Maraaga ilaa Buuraha Nuur daaqaha, iyadoo la maqlayo rasaas iyo qaraxyo xoogan oo labada dhinac isweydaarsanayaan.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo sida uu ku bilowday saaka, wuxuuna ku soo aadayaa xili maalmihii la soo dhaafay degenaansho aan caga badan ku joogin ay ka jirtay magaalada Laascaanood.

Waxaa fashilmay dhowr isku day oo la doonayey in lagu joojiyo dagaalka labada bilood jirsaday ee ka socda Laascaanood kuwaasoo ay wadeen beesha caalamka, dowlada Itoobiya iyo dhinacyo kale, welina ma muuqdo ifafaale muujinaya in xal waara laga gaarayo colaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Magaca sargaal katirsan Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo magacaabay xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Shilkii dayuuradeed ee Garoonka Aadan Cabdulle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---