Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay dacwada Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, iyada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April,

March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacwado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata.

Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha.

Sida ay weriyeen wargeysyada Washington Post iyo Politico oo soo xiganaya ilo-wareedyo, Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid yihiin Easter, Passover iyo Ciidul Fitri, islamarkaana la qorsheeyey fasax laba toddobaad ah oo ka billaabanaya 10-ka April, xeer beegtida ayey suurta-gal tahay inaysan kiiska soo qaadin illaa dhammaadka April,

Washington Post ayaa qoray in taariikhda ugu dhow ee xeer beegtida ay dib u billaabi karaan kiiska ay tahay 24-ka April.

Baaritaanka kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor.

Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in jeegagga lacagta aan si sax ah loo diiwaan-gelin, taasi oo keeni karta dambi yar oo la xiriira ka been sheegidda diiwaanka ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa taas loo dallacsiin karaa dambi weyn, haddii xeer-ilaaliyaha degmada uu xeer beegtida ka dhaadhiciyo in lacagta la qariyey ay qeyb ka aheyd in Trump uga faa’iideysto ololaha doorashada, isaga oo daboolaya fadeexad.

Ma jiro madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga ama ka tegay oo abid dacwad lagu soo oogay.

Trump ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan ku saabsan faro-gelinta doorashadii gobolka Georgia ee 2020 iyo weerarkii ay January 6, 2021 taageerayaashiisa ku qaadeen Congress-ka, kuwaas oo doonayey inuu xafiiska sii joogo kadib markii doorashada looga adkaaday.

Trump oo mar kale doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa dhammaan baaritaanada ku macneeyey “ugaarsi shaqsi” iyo dacwad-oogis siyaasadeed.

AFP/VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cadaadis xoogan oo la saaray Guddigii Doorasho uu magacaabay Sheekh Shaakir

Cabdi Cade

Geerida Alexey Navalny oo lagu eedeeyay in masuul ka yahay Madaxweyne Putin

Cabdi Cade

Xukuumadda Soomaaliya oo Cunaqabateyn kusoo rogeysa dadkii la macaamila Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---