Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi ku baxayay Afka Faransiiska siiyey Wargeyska Jeune Afrique ayaa wax laga weydiiyey xariirka dalkiisa iyo Eritrea, Dagaalkii Tigrey, Saldhiga milateri ee Ruushku ka dhiseynayo Eritrea, aqoonsiga Somaliland iyo arrimo kale oo xasaasi ah
Mar la weydiiyey cabsida ay qabtaan ciidanka Eritrea, haddii ay ka baxeen dagaalka Tigrey ayuu sheegay in ciidankaas ay halis ku yihiin amniga dalkiisa.
“Xiriir malihin Madaxweyne Afewerki, balse arrintan waa khatar. Waayo waa ciidan aad u badan oo mushahar aad u liita qaata oo ku caan baxay kufsiga iyo dilka macno darada ah marka ay fursad u helaan, maaha ciidan isku xiran, si la mid ah awoodda siyaasadeed ee Erteriya, waxaa gacanta ku haya masiixiyiin Ortodox ah oo af Tigrin ah ku hadla. Takoorka muslimiinta lagu hayo ayaana sii kordheya” ayuu yiri Geelle.
Geelle oo la weydiiyey iney aqoonsanayaan Somaliland, wuxuu sheegay inaysan aqoonsan doonin, oo xitaa haddii dunida dhan aqoonsato ay ahaan doonaan cida u dambeysa.
“Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale ka abuurto xuduudaheena- waxaan xiriir wanaagsan la leenahay dawladda Faderaalka Soomaaliya oo aan ixtiraamaynaa” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Heshiiska TPLF uu la galay ayuu bogaadiyey madaxweyne Geelle, isagoo sheegay inay danta gobolka tahay heshiiska la gaaray, wuxuuse sheegay in ay wali jiraan caqabado oo nabada hor taagan
Madaxweyne Geelle ayaa walaac ka muujiyey Saldhiga Milateri ee Ruushka ka dhisanayo dalka Eritrea, isagoo sheegay inay iyagu horey u diideen Saldhigaas, xili dalkiisu martigaliyey Saldhigyada Shiinaha, Jarmalka, Faransiiska iyo Mareykanka oo dano iska horjeeda ka leh gobolka.
Geelle oo soo hadal qaaday Mucaaradka dalkiisa ayaa ku sifeeyey kuwa aan awood laheyn oo xiriir laleh Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, wuxuuna ku sifeeyey cadow dalkiisu leeyahay, isagoo Dhinaca Soomaaliya u soo jeediyey inay doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo.
Mar la weydiiyey su’aal u ahayd, “Jabuuti waa mid ka mid ah Wadamada yar oo Afrikaan ah – waana kan keliya ee Bariga Afrika ku yaalla – ee aan dambiga lagu soo oogin khaniisnimada. Maxaa keenay duwanaanshaha? Geelle ayaa ku jawaabay “Ilaa iyo inta ay ku jirto meel gaar ah, ma jirto sabab ay Dawladdu ama maxkamaduhu u soo farageliyaan arrimahas gaar-ka ah”.
Jawaabta Geelle ayaa u muuqatay mid uu kaga gaabsanayey inuu ka bixiyo jawaab waafi ah, maadaama mowduucan uu waayahan ahaa mid xasaasi ah oo reer galbeedku ay u ololeynayeen, dalal badana lagu colaadiyey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com