Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in lagu guuleestay in la curyaamiyo hannaankii maaliyadeed ee kooxda Al Shabaab iyo sidoo kale dhaqaalihii ay ka qaadan jireen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso dagaalka dhinaca maaliyadda ee dowladda ku qaaday kooxda Al Shabaab.
Al Cadaala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleesatay in hoos loo dhigay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen kooxda Al Shabaab , waxa uuna cadeeyay in si buuxda loo curyaamiyay nidaamkii isku xirnaa ee dhaqaalaha Al Shabaab ku sameyn jireen.
Waxa uu sheegay wasiir kuxigeenka warfaafinta iyo dowladda meesha ka saartay hannaankii maaliyadeed ee Al Shabaab lacagaha ay dadka ka qaadan ku dhax marsiisan jireen bangiyada dalka ku yaalla.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda xayirtay intii dagaalka maaliyadeed kula jirtay Al Shabaab akoonada ay kooxdaasi ku lahaayeen bangiyada dalka kuyaalla iyo telfoonadii ay lacagaha ku kala xawili jireen.
Al Cadaalada ayaa sidoo kale sheegay in la hakiyay lana joojiyay lacagihii ay Al Shabaab ka qaadan jireen badeecadaha kasoo dega dekadaha iyo garoomada uu sheegay in markii hore Al Shabaab awood u lahaayeen in ay helaan xogta badeecadaha soo degaya.
Waxa kale uu wasiirka sheegay in dowladda joojisay lacagihii baada ahaa ee Al Shabaab ka qaadan jireen hantida lakala iibsado sida guryaha iyo dhulalka , kaddib markii laga hor istaagay Al Shabaab in ay helaan xogta dadka wax kala iibsada.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda bur burisay goobihii ay Al Shabaab dadka uga qaadi jireen lacagaha ee ku yaallay duleedyada Muqdisho ,sidoo kale Al Shabaab uga yeeri jireen ganacsatada iyo dadka kale ee lacagaha ka qaataan.
Dowladda Soomaaliya ayaana Al Shabaab la gashay dagaal toos ah iyo dagaal dhinaca maaliyadda, waxa ayna dgaaaladaasi saameyn xooggan ku yeesheen dhaq dhaqaaqii kooxda Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com