Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Nairobi iyo Dibad baxyadii Mucaaradka oo bilowday

Ciidamo badan oo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee dalka ayaa saakay lasoo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi, si ay ciidamada uga hortagaan dibad baxyada ay dhigayaan taageerayaasha mucaaradka Kenya.

Ammaanka xarunta madaxtooyada iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka qaar la dhigay booliiska rabshadaha kahor taga oo wata booyadaha biyaha tuura.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maanta mar kale taageerayaashiisa dhigayaan bannaan baxyo ay uga soo horjeedaan dowladda uu ku tilmaamay mid aan sharci aheyn kuna fashilantay wax ka qabashada sicir bararka.

Dibad baxayaal ayaa hadda lagu arkayaa qaar kamid ah waddooyinka magaalada Nairobi, waxaana laga cabsi qabaa in dibad baxa uu sii xoogeesto uuna ku faafo waddooyin iyo xaafado badan oo kuyaalla Nairobi.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in booliiska xakameyn doonaan dibad baxyada lagu doonayo in dalka khalalaase lagu galiyo, waxa uuna amray ciidamada in ammaanka si weyn u adkeeyaan.

Dibad baxii ugu dambeeyay ee dhacay Isniintii ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dibad baxaasi lagu boobay beer uu lahaa madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Isbitaal ku booqday Caruur Mataano ah oo loo dhalay weriye Al-Shabaab Dileen (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay Itoobbiya Dalkeeda Uga Erisay Saraakiisha Qaramada Midoobay? (Wax ka Ogow)

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday nin Xaaskiisa ku hor dilay caruurteeda oo daawanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---