Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo si adag uga jawaabay baaq ku aadanaa in uu xilka ka dego

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa loogu baaqay in xilka isaga dego, xilli ay xubno katirsan baarlamaanka Itoobiya su’aalo ka weediinayeen warbixinta lixda bilood ee wax-qabadka xukuumadda uu hoggaamiyo.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka dalka Itoobiya gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa weediiyay Ra’isul Wasaare Abiy su’aalo kulul oo quseeya siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada .

Mid kamid ah xildhibaannada Mucaaradka ee katirsan xisbiga ANM ee Amxaarada oo lagu magacaabo Kiristian Tadele ayaa Abiy Axmed weediiyay su’aalo adag, waxa uuna xildhibaankan ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha in uu is casilo.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlayay baaqa xidhibaanka ee ku aadanaa in uu xilka isaga dego ayaa sheegay, in baaqaasi micno badan yeelan lahaa haddii uu xildhibaanka codsan lahaa in xilka ka wada degaan saddex hay’adood ee ka kooban tahay dowladda.

”Su’aasha iyo baaqa xildhibaanka uu soo jeediyey ee ah ‘xilka ka dag’ waxay micno yeelan laheed hadii loo dhigi lahaa ‘seddexda hay’adood ee sharci filinta, sharci dajinta iyo dowladdaba xilka ha ka dagaan.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in doorashada dalka Itoobiya ay ka dhiman tahay muddo saddex sanno ah, waxa uuna tilmaamay haddii shacabka Itoobiya dib u dooran waayaan in ay xilka ka degayo isaga oo faraxsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Rooble uu Dhuusamareeb u tagay wadahadalka Ahlusunna?

Caydiid Ali

Muslimkii ugu horeeyey oo ka mid noqonaya Aqalka senate-ka Mareykanka

Caydiid Ali

Haweeney Qaxooti ah oo isku gubtay dalka Sweden & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---